Monday, June 23, 2025

Xasan Sheekh: “Saddex jeer ayaan ka badbaaday Dil ay Alshabaab ii Qorsheeyeen..”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu ugu yaraan saddex jeer ka badbaaday isku day dil oo ay Alshabaab u qorsheeyeen, isagoo qormo ku saabsan dagaalka Alshabaab “iyo tageerada Soomaaliya uga baahan tahay beesha Caalamka ku qoray wargeys caan ah.

Waxaan dareemayaa inaan si gaar ah u leeyahay faham aan uga hadli karo argagixisanimada caalamiga ah, sababtoo ah waxaan ka badbaaday ugu yaraan saddex jeer isku day dil oo la ii qorsheyay” ayuu qormadiisa wargeyska Economist ku bilaabay Xasan Sheekh.

“Isku daygii ugu horreeyay wuxuu ahaa maalintii ugu horreysay ee aan xafiiska qabto xilligii koowad ee aan madaxweynaha noqday 2012 – 2017; isku daygii labaad waxay igu soo qaadeen xilli an ku tukanayay masaajidka madaxtooyada ku yaal; iyo mid saddexaad oo ay igu beegsadeen anigoo ku sii jeeday magaalada Marka oo aan markaas ka saarnay Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qacida”.

Ad

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay dagaal kula jirtay argagixisa muddo ku dhow 20 sano, colaadaasina ay galaaftay dad badan oo Soomaaliyeeed. :”Waxaan goobjoog u ahaa sida argagixisadu u hor istaagto horumarka . Waxay meesha ka saaraysaa abuurista dhaqaale bixin kara fursado mustaqbalka fog oo macno leh. Waxa kale oo ay waxyeelo u gaysatay deriskeena. Xukuumadeyda cusub waxaa ka go’an in ay ku gaarsiiso xal nabadeed iyadoo la isku dhafay xeelado kala duwan oo dhanka ammaanka ah iyo wadaxaajood adag oo lala galo Al-Shabaab”

Wuxuu Xasan Sheekh qoraalkiisa ku caddeeyay inay Alshabaab guulo ka gaareen muddo xileedkiisii hore, balse ay nasiibdarro hoor u dhacday shaqadii xilligii madaxweynihii ka horreeyay ee ‘Maxamed C/llaahi Farmaajo’.

Wuxuu ku dooday siyaasadaha caalamiga ahayd ee ka hortagga iyo hoos u dhigista Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada aysan xilligan ku filneyn, loona baahan yahay si dhammaan loo badbaadno in argagixisadaas laga adkaado ciidan ahaan iyo fikir ahaanba.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON