Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Muqdisho ka furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya ayaa sheegay inuu garowsan yahay caqabadaha heysta dalka sida amnui darrada iyo argagixisada.
Wuxuu dadkii kasoo qeyb galay shirka maalgashiga Soomaaliya oo uu Af Ingiriis kula hadlay u sheegay qorshihiisa ku aaddan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi, taas oo ay aasaas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumarinta shuruucda iyo dowladnimada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka mid noqoshada suuqyada iyo ururrada caalamiga ah ee ganacsiga.
“Inkastoo aan halkan u imid si aan u dhiirigeliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horreyso argagixisada, abaaraha, hannaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhammaan arrimahaas waxaa barbar socda dadaallo aan ku xallinayno iyo fursado ballaaran oo ka jira dalka.” ayuu Khdubadiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xilliga uu madaxweynaha ka hadlayey shirka ka furmay teendhada Afisyoone waxaa dhinaca kale Hotel u dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka socday dagaal u dhaxeeya ciidamada Amniga iyo dabley ka tirsan Alshabaab oo weerar ku qaaday Hotalka Villa Rosa.
