Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulanka 5-aad ee Kalfadhiga 4-aad oo looga dooday isbedel lagu sameynayo Xeer hoosaadka Baarlamaanka.
Kulanka waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaana soo xaadiray 144 Xildhibaan iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey).
Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ah Xoghayaha guddiga xeer hoosaadka, anshaxa, Xasaanada iyo daryeelka xildhibaanada ayaa Xildhibaanada u akhriyey warbixinta dib u eegista xeer hoosaadka golaha iyo meelaha guddiga ay dib u eegista ku sameeyeen.
Qodobadda wax laga bedelay ee Axdiga Baarlamaanka ayaa gaaraya 28 qodob, iyadoo qaarkood dib loo qodobeeyay, waxayna ka hadlayaan wada shaqeynta labada Aqal ee Baarlamaanka iyo qoddob cusub oo lagu soo kordhiyey.