Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ku saabsan soo saarista iyo dhoofinta dhuxusha ee ka socota qeybo ka mida dalka, siiba Jubbooyinka.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Xeer-Ilaalinta guud ayaa looga digay ganacsatada Soomaaliyeedee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa kuna lug leh dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah, inay joojiyaan fal dembiyeedkaas, iyagoo wajihi doona ciqaabta ka dhalata falkaasi.
War ka soo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in fal dambiyeed ay tahay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya isaga oo u digay Maraakiibta iyo Doomaha ka qaada Xeebaha Soomaaliya. Waxaa kale oo uu sheegay in baaritaan ay ku hayaan dadka ka shaqeynaya dhoofinta dhuxusha oo ay ka gacansiineyso Interpol uu gababo yahay.
Akhriso qoraalka xeer ilaalinta
