Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax caawa ka dhacay magaalada Boosaaso oo dhaliyey qasaare kala duwan, kadib markii miino dhulka la geliyay ay ku qaraxday Gaari ay wateen ciidamad Booliska.
Wararka ayaa sheegay in 3 askari oo ka tirsan ciidanka Booliiska magaalada Boosaaso ay ku dhaawacmeen Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay, waxaana lala beegsaday gaari ay leeyihiin ciidamada Booliiska xilligaasi uu marayay isgoyska xaafadda Al-Raxma ee magaalada Boosaaso.
Ciidanka Booliiska gobolka Bari oo gaaray goobta qaraxaasi ka dhacay oo baaritaan ka sameeyay, iyadoo aysan jirin weli cid loo qabtay iyo cid sheegatay qaraxaasi midna.
Waa qaraxii labaad ee todobaadkan gudihiisa ka dhaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyadoo kii hore ka dhacay xarunta maxkamadda magaalada, ayna sheegatay kooxda Daacish.