Sunday, June 22, 2025

Xeer ilaalinta oo sii deysay Gabadhii Soomaalida ee dishay Darawalka Reer Masar (Warbixin)

Xeer ilaalinta guud ee dalka Masar ayaa amartay in la sii daayo gabar Soomaali ah oo oo Mindi ku dishay darawal Gaari ay soo raacday, kadib markii uu isku dayay inuu kufsado.

Gabadhan oo kiiskiisa uu qabsday Baraha bulshada Carabta, gaar ahana dalka Masar ayaan weli magaceeda la shaacin, laakiin waxaa baaritaan hordhac ah lagu ogaaday inay run ka sheegtay sidii dilku u dhacay.

Xeer ilaalinta dalka Masar ayaa bilowday baaritaanka kiiskan, isla markii ay heshay ogeysiis ah in meydka Darawal Gaariga loo yaqan Tuktuk ah ku arkeen wadada dhinaceeda gaarigiisa oo u dhow aagga waqooyi ee xaafadda Oktoobar.

Ad

Darwalka oo gabadhan 15 sano jirka ah waday ayaa ka leexday wadaddii caadiga ahayd, wuxuuna maray wado dadku ku yar yihiin oo cidlo ah, isgoo markaas isu diyaariyey inuu ku tacadiyo oo kufsado.

Gabadha Soomalida ah ee falkan geysatay ayaa tagtay Saldhiga Booliska, iyadoo ku wargelisay inay dishay Darawal isku dayey inuu kufsado ama fara xumeeyo, xilli ay la socotay Gaargiiisa, waxa uuna ugu hanjabay mindi, balse ay u suurtagashay inay kala wareegto Mindidii, kadibna ku dhufato, iyadoo markaas kadib ka baxsatayo.

Xeer ilaalinta Masar ayaa baaritaankeeda ayaa tagtay goobta meydka Darawalka yaallay si ay u hubiso, waxaana laga helay Gaariga agtiisa, kaasoo aan lahayn taariko, sidoo kale waxay baaritaan ku sameysay goobta uu shilku ka dhacay iyo gaariga laga helay, waxayna ka heshay raad dhiig. Waxay u xilsaartay Dhaqtarka denbiyada ee dowladda inay soo baaraan caddaymaha dembiga si ay u soo bandhigaan oo ay u xaqiijiyaan natiijada baarist, dhaawaciisa, sababta iyo sida uu u dhacay, qalabkii loo isticmaalay.

- Advertisement -

Gabadhan Soomaaliga ah oo ay su’aalo waydiiyeen xafiiska xeer ilaalinta ayaa qiratay in ay dishay darawalka, markiii uu isku dayey inuu u galmoodo isagoo cabsiinaya, wuu u hanjabay, wayna ka carartay, wuuna soo eryaday, kadibna ayey dhulka ku dhacday, markii ka dul yimidna Mindi ayuu Qoorta ka saaray si uu u kufsado.

Way iska cabisay oo la dagaalantay, Mindidii ayey labada gacmood ku qabatay, waxayna ka dhaawacantay faraha, markii Mindidii ay kala wareegtay ayey ku dhufatay, si ay isu difaacdo, taasoo kentay inuu ka haro oo dhulka ku dhaco.

Xeer ilaalinta Qaranka Masar ayaa gabadha geysey goobta uu falka ka dhacay kadib markii ay su’aalo badan waydiiyeen, waxaanay baaritaan sawir ah ku sameeyeen danbiga dhacay iyo qiraalkeeda faahfaahsan.

Baaritaanka caafimaad ee gabadha Soomaalida ah lagu sameeyay, ayaa lagu xaqiijiyay in madaxa uu ka dhaawacay, dhow faroodna ay dhaawacmayo kasoo gareen, markii ay Mindida kula dhegtay.

- Advertisement -

Kiiskan, iyo baaritaannada ay boolisku sameeyeen ayaa lagu xaqiijiyey jiritaanka falkaas sida lagu sheegay qirashada gabadha ee baaritaannada, iyo warbixintii hay’adda caafimaadka ee baaritaanka jireed ee jirka darawalka, taasoo xaqiijisay in dhimashadiisa ay ku dhacday sida gabadhu u sheegtay.

Sidaasi darteed, Xeer Ilaalinta ayaa soo saartay go’aan ah in gabadha lagu sii daayo damaanad qaadka halka ay degan tahay, waxaana socda dhammeystirka baaritaanka, iyadoo kadib go’aan rasmi ah kasoo bixi doono garsoorka dalka Masar.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON