Tuesday, June 24, 2025

Xeer ilaalinta Somaliland oo Naciima Qorane ku so oogtay Eedo ku saabsan Duminta Somaliland [Akhriso Qodobadda]

Somaliland ayaa dacwad kusoo oogtay gabar Soomaaliyeed oo hal-abuur ah, isla markaana ku caan baxday inay suugaan ku cabirto gabayada iyo Suugaan.

Naciima waxay Xeer-ilaalinta Somalialnd kusoo eedaysay: Hawlo Qaranka ka dhan ah oo qofku ka sameeyo dalka dibediisa, kaasoo ku xusan Qodobka 212 ee Xeerka Ciqaabta iyo Ceebeyn Qaran oo ku xusan Qodobka 219 ee Xeerka Ciqaabta.

Sida ku qoran eedeynta, eedda hore waxay la xiriirtaa qoraal la sheegay in Naciima soo dhigtay barteeda Facebook-ga. Xeer Ilaalintu waxay sheegtay in qoraalkaasi wiiqayo jirtaanka Somaliland, midnimadiisa iyo wada jirkiisa.! Eedda labaad waxaay ku saabsan tahay “cay iyo ceebayn ay u gaysatay Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya hadii lagu helo Naciima qodobadaas, lagu xukumi karo 8 sanadood oo xarig ah, sida la filayo. Maxamed Kayse Maxamuud oo isna la xiray 7dii February 2018 ayaa weli u xiran qoraalo la sheegay inuu Facebook soo dhigay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON