Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa warbixin kasoo saaray Kiiska xoghayaha SJS Cabdalla Axmed Muumin, isagoo sheegay inuu si sharciga waafaqsan u xiran yahay, yahayna maxbuus.
“Xafiiska Xeer-llaaliyaha Guud ee Qaranka & Hay’adaha Garsoorka dalka waxay cadaynayaan in Xukunsane Cabdalla Axmed Muumin uu u xiran yahay si waafaqsan Sharciga oo kaliya, uuna la mid yahay muwaadiniinta kale Soomaali- yeed ee ku xiran Xabsiyadda Dalka, isla markaasna kiiskiisu ahayn mid la xariira Sharciga Saxaafadda”. ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliayha guud.
Dhinaca kale xeer ilaaliyaha Guud wuxuu sheegay inuu baaris ku wado dhacdadii Taliyaha & Saraakiisha Xabsiga Dhexe ee Xamar ku sii daayeen xukunsanaha, sida uu sheegayna uga hor yimaadeen xukunka Maxkamadda.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
28/02/2023 WAR-SAXAAFADEED
Hay’adaha Amniga ayaa soo xiray Cabdalla Axmed Muumin ka dib markii uu ka hor yimid go’aanka Dow- ladda ee la xiriiray Amniga Qaranka iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta, isla markaasna ku xad gudbay Qodobadda kala ah: 219, 321 & 505 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed & Qodobada 64 & 65 aad ee Sharci No 005 ee 02/10/2017 “Sharciga Isgaarsiinta Qaranka”.
Hay’adda Danbi Baarista (C.I.D) oo fulinaysa habraaca ku xusan Qod: 24aad ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed ayaa baaris ku samaysay kiiska xukunsanaha, isla markaasna natiijadda baarista kama danbaysta ah u soo gudbisay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, si waafaqsan Qod: 26aad ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo tixgalinaysa codsiga uu xukunsanuhu u gudbistay ayaa soo saartay warqadda Sum: MGB/69/2022-BG, kuna Taariikhaysan 22/10/2022, taas oo ujeedadeedu ahayd amar Damaanad (xoriyad ku meelgaar ah) ku siidaysay Xukunsane Cabdalla, taas oo uu banaanka ku joogay ilaa 13/02/2023 oo ah maalintii Xukunka Maxkamadda Gobolka Banaadir lagu dhawaaqay.
Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadka sharci ee loo igmaday ayaa Maxka- madda Gobolka Banaadir u gudbiyay eedaha loo haysto xukunsanaha oo ka kooban sadex qodob oo dhamaantood ah Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed kuwaas oo kala ah 219, 321, 505 CXS.
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo gudanaysa waajibaadkeedda, ilaalinaysa Cadaaladda iyo dhex-dhexaad- nimadda, ayaa dhagaysatay kiiska Cabdalla tiro Afar fadhi ah oo ay, si isku mid ah oo u siman dhinacyadda dacwadda u siisay waqti ku filan, dhagaysigii kadib Maxkamadu waxay xukunsane Cabdalla ku heshay Qod: 505 XCS. Maxkamadu waxay, si faahfaahsan xukunka ugu sheegtay asbaabaha ay u cuskatay qodobka ay ku heshay, sidoo kale waxay kala laabatay Damaanadii uu banaanka ku joogay, waxayna amartay in Xabsiga la geeyo, si uu u dhamaysto xukunkii Maxkamadda oo ahaa bil & 19 Cisho.
Taliyaha & Saraakiisha Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa sifo sharciga baal marsan ku sii daayay xukunsanaha, iyaga oo ka hor yimid xukunka Maxkamadda, maadaama ay siidayntu baalmarsanayd Sharciga, waxaa loo diiwaan galiyay in uu xukunsanuhu yahay baxsad, waxaana Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed amar lagu siiyay in ay dib u soo xiraan xukunsanaha, si waafaqsan Qod: 35aad faqradda laad Xarafka B ee XHCS.
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo fulinaya amarka Hay’adda Garsoorka, isla markaasna gudanaya waajibaadkiisa Sharci, si waafaqsan Qodobadda: 9aad & 10aad ee Xeer Lam No. 2 ee 23 December 1972 “Xeerka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” iyo Qod: 8/2aad ee Sharci Lam No. 3 ee 12-Juun- 1962 “Sharciga Nidaamka Garsoorka” ayaa gacanta ku soo dhigay xukunsanaha dibna Xabsiga Dhexe ugu soo celiyay 23/02/2023, kaas oo baxsad ahaa mudo 10 cisho ah.
Xafiiska Xeer-llaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaris ku wada dhacdadii Taliyaha & Saraakiisha Xabsiga Dhexe ee Xamar ku sii daayeen xukunsanaha, ayna kaga hor yimaadeen xukunka Maxkamadda, waxaana natiijadda baarista ka soo baxda la horgayn doonaa Maxkamadda awoodda u leh.
Xafiiska Xeer-llaaliyaha Guud ee Qaranka & Hay’adaha Garsoorka dalka waxay cadaynayaan in Xukunsane Cabdalla Axmed Muumin uu u xiran yahay si waafaqsan Sharciga oo kaliya, uuna la mid yahay muwaadiniinta kale Soomaali- yeed ee ku xiran Xabsiyadda Dalka, isla markaasna kiiskiisu ahayn mid la xariira Sharciga Saxaafadda.
Haddaba, Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu ugu baaqayaa cid walba oo danaynaysa kiiskan, in ay sifo sharci ah ku raadsadaan xuquuqdooda, dhowraanna madax-banaanidda Garsoorka iyo waajibaadkiisa shaqo, lana ixtiraamo Xeerarka & Shuruucda Dalka.
