Thursday, June 8, 2023

Sidee Aqalka Sare lagu marsiiyey Sharcigii Cunaqabteynta Maaliyadda? (Fadeexadii ka dhacday)

Aqalka Sare ayaa maanta xaalad muran iyo buuq ka dhashay ku meel mariyay Sharciga Cunaqabateynta Maaliyadeed ee cayiman, kadib markii Guddoonka Golaha uu qaadya cod mooshin loo adeegsaday.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim oo guddoominayey kalfadhiga labaad kulankiis 17-aad, ayaa ku dhawaaqay inuu Aqalka Sare ansixiyey Sharcigaasi iyadoo aan waxba laga bedelin ee Golaha Shacabka uga yimid.

Ajandaha kulankii Aqalka Sare ee maanta ayaa ahaa akhrinta labaad ee 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐚𝐪𝐚𝐛𝐚𝐭𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐲𝐢𝐦𝐚𝐧, waxaan wax ka bedel ku sameeyay Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare oo la-tashi dadweyne kasoo sameeyay, iyadoo qaatay doodihii Senetarrada.

Ad

Guddoonka ayaa sheegay in Qaar ka mida Senatoorada Aqalka sare ay soo gudbiyeen Mooshin ku saabsan in 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐚𝐪𝐚𝐛𝐚𝐭𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐲𝐢𝐦𝐚𝐧 sidiisa lagu qaato, sidaasina codka loogu qaaday. Cali Shacbaan ayaa iyadoo cod qaadista buuq ka dhashay wuxuu sheegay in 16 Senator ay ansixisay, 2 diiday, intii kale (tiro ma sheegin)

Inta badan xubnaha guddiga Maaliyadda Aqalka ayaa ka hor yimid, sidii lagu ansixiyay Sharcigan oo Golaha Shacabka ku muran, waxayna caddeeyeen in cod been ah la qaaday oo meel looga dhacay sharaftii Aqalka Sare, si sharci darro ahna lagu marsiiyay.

Senatorada Guddiya maaliyadda ayaa sheegay in codka la qaaday aanu sax ahayn oo ilaa 10 senator oo kaliya ay taagersaneyd inaan waxba laga bedelin Sharciga, guddoonkuna ku socday si sharci daro ah.

- Advertisement -

Fadeexadda maanta ka dhacday Aqalka Sare ayaa u muuqata mid qorsheysan oo xukuumadda sharciyada ay rabto ku marsiineyso labada Aqal ee Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,967FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,967FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!