Monday, June 23, 2025

Xeer ilaaliyaha Guud oo shaaciyey Musuq weyn oo ka dhacay Wasaaradda Caafimaadka. (Daawo)

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaciyey inay soo gabagabeeyeen baaritaan ku sameeyaan musuqmaasuq ka jira Wasaaradda Caafimaadka oo lugaha la galay wasaaro iyo hay’ado kale.

Xeer ilaaliyaha oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in caddeymo loo hayo Mas’uuliyiin u xiran falal Musuqmaasuq ah, iyadoo dhowaan Maxkamad la geyn doono.

“Xafiiska xeer ilaalinta wuxuu gacanta ku hayaa kiis musuqmaasuq ah oo markii hore ka bilowday Wasaaradda Caafimaadka, markii danbena ku fiday Wasaarado kale iyo Hay’ado dowladeed, wuxuuna isagoo kaashanaya gacanta ku hayaa caddeymo dhammeystiran oo ay ku jiraan Jeegag, Boonooyin iyo Rasiidyo heshiisyo loo sameystay in lagu musuqmaasuqo lacag iyo caddeymo kale..” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud.

Wuxuu sheegay in arrintan loo xiray labaatameeyo qof oo ay ka mid yihiin Aagaasime Guud, agaasime waaxeedyo, Madaxda Barnaamijyo mashaariic ay wado wasaaradda Caafimaadka, la-taliyeyaal, ganacsato iyo madaxda shirkado gaar loo leeyahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON