Monday, July 14, 2025

Xeer ilaaliyaha iyo Hanti dhowrka guud oo su’aalo kulul lagu weydiiyay Baarlamaanka (Warbixin muhiim ah)

Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa hor yimid Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir iyo Hanti dhowrka Guud Prof. Nuur Jimcaale Faarax  kadib markii mooshin ay ka keeneen qaar ka mida xildhibaanada loogu yeeray inay hor yimaadaan Baarlamaanka, waxaana shirka oooo dhowaan la soo xitay su’aalo adag lagu weydiiyay labada mas’uul oo beryahan seeftoodu la baxay.

Su’aalaha la weydiiyay kuwooda ugu adkaa waxaa ka mida ahaa:

1. Sidee ku dhacday inaad warqad wadajir ah wada saxiixdaan Xeer ilaaliyaha iyo Hanti dhowrka?

2. Sidee amar ugu bixiseen in golaha wasiirada oo dhan aysan ka bixi karin dalka?

3. Sidee u bixiseen amar wadareed dad badan saameynaya?

4. Awooda xad dhaafka ah ee adeegsaneysaan halkee ka keenteen?

Hanti dhowrka guud Nuur Jimcaale ayaa inta badan lagu amaanay shaqada balaaran ee uu qabtay, waxuuna raaligelin ka bixiyay saxiixii uu la wadaagay xeer ilaaliyaha kaasoo uu ku sheegay inuu ku yimid xaalad degdeg ula muuqatay kna dhacda dalalka qaarkood sida Kenya, balse waxaa laga dalbaday inuu raaligelin bixiyo, taasoo uu bixiyay.

Xeer ilaaliyaha guud Axmed Cali Daahir ayaa isaguna ka hadlay tallaabooyinka uu qaaday inay ahaayeen kuwo daruuri ah oo xaalad degdeg ku yimid, isla markaana looga hortegayay inay lala baxsado hanti qaran, dadaal dheeraad ahna ay ugu jiraan sidii sharciga oo dhaqan geli lahaa. Waxaase taasi ka hor yimid xildhibaanada qaarkood oo ku eedeeyay inuu siyaasad dhex galay isla markaana awood dheeraad ah adeegsanayo.

Xeer ilaaliyaha guud oo ugu cadcadaa hadalka ayaa sheegay inay baaritaan ku sameeyeen 19 wasaaradood oo ay ku heleen musuqmaasuq baahsan oo wasaaradahaasi ka jira, wuxuuna intaas ku daray heegay in warbixinada uu hayo la wadaagayo Baarlamaanka oo xafiiskiisa ay ka heli karaan.

Waxaa lagu qabsaday haddiiba uu baaray 19 wasaaradood kuna helay musuqmaasuq sababta uu maxkamad ugu gudbin waayay, kuwa la tuhunsan yahay oo kaliaya tallaabo looga qaadi waayay oo uu guud ahaan golaha wasiirada amar uga soo saaray iyo halka uu ka keenay awoodaasi uu fasax qaadashada dhoofitanka ku siiyay madaxweynaha iyadoo sharcigu yahay in mas’uul kasta hay’adiisa fasax ka qaato.

Xeer ilaaliyaha ayaa isku difaacay inay xukuumadda dhacday, isla markaana madaxweynaha uu yahay kan sharciga ah ee taagan, wuxuuna soo xigtay sharci soo baxay sanadkii 1974-tii xiligii madaxweyne Siyaad Barre, kaasoo buuq cusub ka dhaliyay Baarlamaanka, waxaana xeer ilaaliyaha lagu dhaliilay in sharciyadii keli-taliska uu adeegsanayo, kuna takri falay awood aanu lahayn.

Xildhibaabadii taageeray madaxweynaha ayaa difaacay xeer ilaaliyaha waxayna ku doodeen inuu xeer ilaaliyaha shaqo fiican qabtay, loona baahan yahay in musuqmaasuqa dowladda ragaadiyay wax laga qabto.  Xildhibaanada ayaa u muuqday kuwo u kala qeybsan sidii ay ahaayeen mooshinkii lagu riday. laakiin waxaa cad inaan lagu qancin jawaabihii xeer ilaaliyaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo xiray shirka, waxaana dooda meesha kadhacday loo saaray in Guddiga garsoorka ay soo eegaan kana soo talo bixiyaan, iyagoo ku soo celin doona Baarlamaanka maalinta beri ah oo shir gaara laga yeelan doono arrinta miiska saaran oo ah warqadii ay soo saareen Xeer ilaaliyaha iyo Hanti dhowrka oo ku amreysay dhammaan golaha wasiirada inaysan dalka ka dhoofi karin iyagoo aan fasax ka qaadan Madaxweynaha.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON