Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo kulan ku saabsan qoraal ka soo gaaray Xeer ilaaliyaha Qaranka ku yeeshay xaruntoda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Shirka waxaa shir guddoomiyey guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana looga dooday codsigii dhawaan kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ee in Xasaanada laga qaado laba mudane oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka, waxaaana kulanka sidoo kale ka qeyb galay guddoomiye kuxigeenada golaha shacabka.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo kulanka ka qeyb galay ayaa Gudiga joogtada iyo guddoonka Golaha Shacabka faahfaahin ka siiyay warqadii uu usoo diray guddoonka Golaha, islamarkaana uu kaga codsanayay in xasaanada looga qaado laba Xildhibaan oo golaha Shacabka ka tirsan.
Kulanka ayaa ah mid sii socondoono, iyadoo lafilayo in markii uu soo dhamaado ay ka soo saari doonaan go’aano. Waxayna Guddiga Joogtada ah su’aalo weydiiyeen Xeer ilaaliyaha Qaranka.