Wednesday, July 2, 2025

96 Xildhibaan dalbatay in la furo Baarlamaanka & Mooshinkii Madaxweyne Farmaajo oo dib u soo noolaaday

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibannada mucaaradka u ah hoggaamka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay dalbadeen dib u furista Baarlamaanka si mooshin loogu qaado Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wuxuu sheegay inay waaan mooshinkii xilka qaadista Madaxweyne Farmaajo, ayna heystaan Xildhibaano ku filan mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, isagoo sii raaciyay in 96 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ay dalbadeen in dib loo furo golaha si mooshinka loo keeno.

Arrimaha lagu heysto madaxweyne Farmaajo ee mooshinka xil ka qaadista loogu diyaariyey ayuu xildhibaan Mahad Salaad ku sheegay:

1- Inuu dastuurka ku xad gudbay

2- Khiyaano Qaran

3- Burburinta dowlad goboleedyada iyo eedeymo kale

C/raxmaan C/Shakuur ayaa xalay laga siidaayay Xabsiga iyada oo maanta la filayo in Maxkamadda gobolka Banaadir uu mar kale ka soo hormuuqdo.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters ku sheegay in ay filayaan in kalfahdiga Baarlamaanka uu dib u furmo mooshinka xilka qaadista Madaxweynahanaha ay fuliyaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON