Tuesday, June 24, 2025

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka hor yimid sii deynta C/raxman C/shakuur [Shuruudihii lagu sii daayey oo uu shaaciyey]

Warqad ka soo baxday Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir  ayaa lagu sheegay in damiin lagu sii daayay C/raxmaan C/shakuur Warsame oo habeenkii Axada Ciidamada Dowladda Xabsi u taxaabeen.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in sii deynta C/raxmaan C/shakuur ay timid ka dib markii ay damiinteen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf,madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare  iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed.

Shuruudaha damaanada lagu sii daayay C/raxmaan C/shakuur ayaa ah.

1- Inuusan C/raxmaan C/shakuur dalka ka bixi karin.

2- Inuusan ka hadlin Saxaafada.

3- Inuusan ka qeyb gelin karin isku soo baxyo nuuc kasta oo ay yihiin

4-  inuusan la xiriirin Markhaatiyada,Baarayaasha ogolaasho la’aan

5-  in marka looga yeero Xafiis kasta oo ay ka furan tahay dacwadiisa uu tago

6 – inuusan ka qeyb geli karin shirar iyo kulamo siyaasadeed

Saxiixayaasha damaanada ayaa waxay balan qaadeen iney si buuxda u damaanad qaadayaan in dhamaan sharuudahaasi ay fulin doonaan sida ay u qoran yihiina u dhowri doonaan,islamarkaana u hogaansami doonaan awaamiirta sharciga ah ee ku cad damaanada.

Warkan oo ay faafisay Warbaahinta  dowladda ayaa yimid kadib markii Maxkamadda Gobolka banaadir ay ku dhawaaqday in dembi lagu waayey C/raxmaan C/shakuur wax caddeyn ahna ay keeni weysay xeer ilaalinta, waxaana tani u muuqataa in xeer ilaaliyaha Qaranka uu ka hor yimid go’aanka Maxkamadda, iyadoo qoraalka damiinka ee xeer ilaalinta maxkamaddu diiday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON