Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa madaxda dowladda Soomaaliya iyo xildhibaannada ku eedeeyay inay caqabad ku yihiin wax ka qabashada musuqmaasuqa baahsan ee dalka ka jira.
Xeer ilaaliyaha oo ka hadlayey munaasabadda maalinta la-dagaalanka musuqa ee 9-ka Disembar ayaa sheegay in xafiiska xeer ilaalinta iyo hanti dhowrka ay Maxkamad geeyeen afar kiis oo musuqa ah, basle ay kala kulmeen xaalad adag.
Wuxuu intaas ku daray in madaxda dowladda ay ka mid ahaayeen dadka dagaalka ku soo qaaday oo ay waayeen meel ay ka galaan, xildhibaannada iyo shacabkana ay qeyb ka yihiin, isagoo sheegay in musuqa uu yahay mid baahsan oo aan ku ekeyn Muqdisho.
DHAGEYSO