Thursday, June 26, 2025

Xeradii ciidamada C/rashiid Janan oo Dagaal culus ka socdo & dagaalka oo saameyn ku yeeshay xuduudka Kenya

Wararka laga helayo magaalada Beledxaawo ayaa sheegaya inuu dagaalka ka dhex qarxay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa sheegaya inuu dagaalku saameeyay xuduudka Kenya.

Dagaalka ayaa inta badan ka socda xerada ciidamada taabacsan C/rashiid Janan ee BP1, iyadoo ciidamada dowladda la sheegay inay weerar culus ku qaadeen xeradaasi, waxayna ciidamada dowladda la beegsadeen saldhiggaasi madaafiicda hoobiyeyaasha. Waxay kaloo madaafiic ku dhaceen guryo ku yaalla xaafaddaha magaalada.

Wuxuu dagaalku saameyn ku yeeshay xuduudka Somalia iyo Kenya, siiba barta koowaad ee -Border Point One- , iyadoo rasaastu gaartay dhinaca Mandheera, Kenya. Waxayna ciidamada C/rashiid ee taabacsan maamulka Jubbaland ay salka la galeen xuduudka Kenya.

C/rashid Janan iyo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamud Sayid Aadan ayaa degan magaalada Mandheera, iyagoo halkaasi ka maamulaya dagaalka; waxayna dowladda Somalia ay ka dalbatay Kenya inay u soo gacan geliso C/rashid Janan oo ka baxsaday xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON