Monday, June 23, 2025

Xidhibaano ka horjeeda Xukuumadda oo Dood kala hor yimid Ajendaha kulankii Maanta..

Iyadoo maanta lagu wado inuu furmo kulankii koowaad ee kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka ayaa dood ka dhalatay ajendaha fadhiga maanta oo xildhibaano mucaarad ah ay ka hor yimaadeen.

Qaar ka mida xildhibaannada ka horjeeda xukuumadda ayaa diiday in ajendaha maanta la guda galo iyagoo guddoonka ka dalbaday in ajendaha maanta laga dhigo xaaladda amniga magaalada Muqdisho, isla markaana la joojiyo ajendaha ay soo diyaariyeen Guddiga joogtada ah ee Golaha sahcabka.

Xildhibaananda ayaa wada olole ay ku doodayaan in dooda Baarlamaanka oo dhan laga dhigo Amniga Muqdisho, waxaana ajendaha maanta uu ahaa warbixin laga dhageysto guddiga Dastuurka oo ka hadlaya halka ay mareyso dib u eegista Dastuurka dalka oo 10 cutub oo ka mida wax laga bedelay.

Ad

Kalfadhiga 5-aad ayaa laga cabsi qabaa inuu lugaha la galo is qabqabsi iyo dood ka dhaxeysa Guddoonka oo u janjeera Xukuumadda iyo xildhibaannada mucaaradka oo fursad weyn u arka inay xilligan culeys saaraan xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre iyagoo usoo maraya xaaladda amniga ee cakiran.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON