Monday, June 23, 2025

Ahlu suna iyo Galmudug oo qarka u saaran inuu dagaal ku dhex maro Galgaduud

Wararka  naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inay xiisad colaadeed ka taagan tahay Maamulada iska horjeeda ee  Ahlusunna iyo Galmudug.

Maleeshiyo ka tirsan Ahlu suna ayaa degay oo xirtay wadadda u dhaxeysa degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq, sidoo kale labada ciidan ayaa isku hor fadhiya degaanada Godinlabe iyo Mareergur, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal ka dhex qaxo.

Waxaa dhaqdhaqaaq ciidan oo kale ka jiraa degaanada u dhaxeeya degaanada Cadaado  iyo Guriceel, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in xilligan colaad cusub loo bir tunto.

Ad

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlu suna C/llaahi Xersi Diirshe ayaa sheegay in duulaanka laga wado magaalada Cadaado, wuxuuna beeniyay in Ahlu suna ay duulaan qaaday, isagoo ku dooday in ciidamadooda ay joogaan degaanadooda.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON