Monday, June 23, 2025

Xiisad Dagaal oo ka taagan Degmada Mattabaan iyo Ciidamo ka tirsan Galmudug oo isku hor fadhiya

Xiisad ayaa caawa ka taagan degmada Mattabaan ee Gobolka Hiiraan, kadib markii ciidamo kala duwan ay halkaasi gaareen, iyadoo cabsi laga qabo inuu iska hor imaad halkaasi ka dhaco.

Arrintan ayaa ka dhalatay markii ay barta Koontaroolka Degmada Mattabaan ay qabsadeen ciidamo Nabadsugid ah oo ka yimid Magaalada Guriceel, waxayna kala wareegeen ciidamadii Booliska ee Galmudug oo halkaasi canshuurta ku qaadi jiray.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada NISA ee Guriceel ay yihiin ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan soo wajahday, kadibna ay is abaabuleen, iyagoo galabta qabsaday Kastam-ka Canshuurta ee Mattabaan oo lacago badan kasoo galaan maamulka Galmudug, halkaasina ka bilaabeen inay canshuurtii qaataan.

Ad

Muddo kadib ayaa la sheegay inay Mattabaan gaareen ciidamo ka socda Madaxtooyada Galmudug oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaaso oo doonaya inay dib ula wareegaan Barta Canshuurta lagu qaado ee Mattabaan.

Waxaa laga cabsi qabaa in ciidamada NISA ee Guriceel iyo ciidamada kale ee Galmudug uu iska hor imaad dhex maro, iyadoo ciidamada qabsaday Matabaan ee ka yimid Guriceel la sheegay inuu wato sarkaal u janjeera kooxda Ahlu Suna oo lagu eedeeyay inay abaabul ciidan ka awadaan degaanka Galmudug.

Xaaladda magaalada Mattabaan ayaa kacsan caawa iyadoo la xiray goobaha ganacsiga, isla markaana dadka qaarkiis lay isaga baxeen Guryahoodii cabsi ay ka qabaan inuu dagaal dhaco.

- Advertisement -

WAR CUSUB

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug ay dib ula wareegeen Koontaroolkii Matabaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON