Sunday, July 6, 2025

Kuraastii ugu horeysay Aqalka Sare ee Somaliland oo maanta la dooranayo (3-da Kursi ee ugu adag)

Waxaa maanta xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ka dhaceysa Doorashada Kuraastii ugu horeysay ee Aqalka Sare ee Senatoorada kasoo jeeda Gobollada Waqooyi (Somaliland).

Guddiga Doorashada Somaliland ayaa soo saaray lix kursi oo maanta la dooranayo, iyadoo ay ugu adag yihiin 3 kursi oo si weyn ay ugu loolamayaan siyaasiyiin caan ah iyo dad la yaqaan.

Liiska Mushariixinta maanta tartamaya waxay kala yihiin:

1.Cabdi Xaashi Cabdilaahi
2 Siciid Cumar Xuseen

1. Saalax Axmed Jaamac
2. Ibraahin lidle Saleebaan

1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari
2. Prof. Cabdi Ismaacil Samatar.
3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali

1. Cismaan Abokor Dubbe
2. Cabdikariim Maxamed Xasan.

1. Layla Axmed Ismaaciil
2. Maxamed Maxamuud Cabdi.

1. Bilaal Idiris Cabdilaahi
2. Saynab Axmed Boqore.

Tartanka ugu adag wuxuu dhex marayaa Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Saleebaan Iidle iyo wasiirka Dastuurka xukuumadda xilgaarsiinta Saalax Axmed Jaamac, waxaana kursigan uu yahay mid aan la saadaalin karin oo xaaladiisu adag tahay.

Kursiga kale ee la isku hayo waxaa ku tartamaya Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Prof. Maxamed Alle-Bari, waxaana loo badinayaa in Prof. Cabdi Ismacil uu ku guuleysan karo, inkastoo tartanku adag yahay.

Kursiga saddexaad ee hardanka weyn ka furan yahay ayaa waxaa ku loolamaya wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe iyo Senator C/kariin Maxamed Xasan, iyadoo rajo badan uu qabo wasiir Dubbe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON