Waxaa goor dhoweyd la doortay kursigii ugu horeeyay ee Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha kasoo jeeda Gobollada Waqooyi.
Waxaa mar kale dib loo doortay Senator Cabdi Xaashi C/llaahi, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Siciid Cumar Xuseen, waxaana cod gacantaag ah dib u doortay 44 ka mida ergada, waxaana sidaasi ku guuleystay Cabdi Xaashi C/llaahi.
Natiijadii doorashadii gacantaag ahayd waxay noqotay :
Waxaa ogolaaday: 44 cod
Waxaa ka aamusay 2 cod
Guddoomiyihii Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10-aad ayaa mar kale noqday senator ka tirsan Aqalka sare ee Baaarlamaanka Soomaaliya.
