Tuesday, June 24, 2025

Xiisad ka dhalatay Sharciga Isgaarsiinta Soomaaliya [Saddex Maamul Goboleed oo ka hor yimid] -AKHRISO

Saddex maamul Goboleed ayaa ka hor yimid qaabka wasaaradda isgaarsiinta Soomaaliya u wajahday Sharciga isgaarsiinta ee hor yaalla Baarlamaanka Federaalka.

Sharcigan oo Golaha wasiiarada xukuumadda Soomaaliya ay ansixiyeen ayay maamul goboleedyada Puntland, Jubba iyo K/Galbeed ku doodayaan in iyadoo la-tashi socdo Wasiirka Isgaarsiinta si degdeg ah u geeyay Baarlamaanka.

Shir ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa ku soo dhammaaday War-murtiyeed saddexdaasi maamul ku diideen xeerka isgaarsiinta, isla markaana ay si weyn ugu eedeeyeen wasiirka Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan, waxayna soo jeediyeen tallooyin dhowr ah.

Sharciga Isgaarsiinta ayaa ka mida sharciyo ay xukuumadihii dalka geyn waayeen baarlamaanka muddo 10 sano ah, waxaana loo aaneynayaa inay ganacstada waaweyn carqalad ku hayaan, kuwaas oo markii hore adeegsan jiray wasiirada federaalka, haddana u wareegay maamul Goboleedyada.

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEED

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON