Wednesday, July 2, 2025

Xiisad ka jirta Garowe iyo saraakiil hor leh oo ka goosatay maamulka Puntland

Xaalad amaan iyo khalkhal ayaa soo wajahay madaxweynaha Puntland kadib markii ciidamo hor leh oo ka goostay maamulkiisa ay u galeen taliye kuxigeenkii hore ee ciidamad Booliska Puntland Gen. Muxudiin Axmed Muuse Muxudiin oo isagu in muddo ah gadood ahaa isagoo wata ciidamo ka amar qaata markii xil ka qaadis lagu sameeyay.

taliye-muxudiin-axmed-muuse

Degaanka Qarxis ee duleedka Magaalada Garowe ayaa la sheegay in ciidamo Puntland u dirtay ay isku hor fadhiyaan Gen, Muxudiin Axmed Muuse iyo ciidamo kale oo laga diray Madaxtooyada Puntland.

Wararka laga helayo Garowe ayaa sheegaya inuu  Garowe ka baxsaday Madixii hore ee Sirdoonka  Puntland Col. Cabdi-yare oo ku biiray Gen. Muxudiin Gacameey.  Arrimahan ayaa ka dhashay markii Madaxweyne C/weli Gaas uu wasiirka Amniga dhowaan u magacaabay Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo hore u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Nugaal.

Gen. Muxudiin Axmed Muuse ayaa hore ugu eedeeyay C/weli Gaas inuu sii daayay rag Alshabaab ah oo jufadiisa kasoo jeeda, halka madaxtooyada Puntland ay ku doodeyso in Gen. Muxudiin xilka looga qaaday wada-shaqeyn uu la yeeshay Alshabaab.

Rasaas xoog leh oo shalay ka dhacday magaalada Garowe ayaa maamulku uu sheegay inay ahaayeen askar rasaas furtay oo aanu dagaal dhicin, waxayna wararku intaas ku dareen in ciidamada ilaalada xarumaha hay’adaha dowliga ah ay baneeyeen howlahoodii.

Madaxwweyne Gaas ayaa u muuqda inuu xakameyn kari la’ yahay xaalada maamulkiisa iyadoo is eegashada beelaha iyo isbedelada uu sameynayo ay xaalada uga sii dareen, waxaase looga fadhiyaa sidii uu xal ugu heli lahaa xiisadan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON