Monday, July 14, 2025

Xiisad ka taagan Garbahaarey & Wasiiradii Jubbaland oo loo laga dalbaday inay ka baxaan Magaalada

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaalad kacsan ay ka taagan tahay magaalada Garbahaarey oo shalay ay ka dhaceen bannaanbaxyo rabshado wata oo looga horjeeday wasiiro ka socday maamulka Jubbaland.

Waxaa lasoo weriyey inay magaalada ka socdaan diyaargarow bannaanbaxyo cusub, waxayna odayaasha degmada ugu baaqeen wasiirada Jubbaland inay ka baxaan magaalada  markii xalay kulan dhex maray, si aysan dhibaato kel u dhicin, kadib markii shaqaaqadii shalay daqar lagu gaarsiiyey wasiirka qorsheynta maamulka Jubbalad Ahmed Ibraahim Aw-aadan.

Dhinaca kale Guddomiyaha degmada oo raacsan maamulka Jubbaland ayaa amar ku bixiyey in la jaro isgaarsiinta magaalada, taasoo keenay in dadku wada xiriiri waayeen, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale maantaay bannaanbaxyo ka dhacaan.

Axmed Madoobe ayaa dhinaciisa qorsheynaya inuu magaalada Garbahaarey u diro ku xigeenkiisa Maxamud Zayid Aadan si loo dejiyo xiisada ka dhex taagan dadka reer Gedo iyo maamulka Axmed Madoobe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON