Sunday, July 20, 2025

Xiisad ka taagan xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyeyaashii ciidamada maamulka Ahlu Suna

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb inay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyay saraakiisha sare ee maamulka Ahlu suna ee Gobollada Dhexe.

Wararka aya sheegaya in saraakiisha xilalka laga qaaday ay ka mid yihiin: Taliyaha Guud ee Ciidamada Ahlusunna Macalin Mascuud Maxamed Warsame iyo afhayeenkii ciidamada Ahlu suna C/nuur Maxamed Xuseen Gal-qoryaale.

Saraakiisha Ahlu suna ee xilalkii laga qaaday ayaa ayaa la sheegay inay ciidamo fara badan isugu geysteen xarumo gaara iyo guryahooda oo ilaalo laga hayo degaanka Guriceel, iyagoo aan ku qanacsaneyn sida xilka looga qaaday.

Madaxweynaha Ahlu suna ayaan la ogeyn sababta uu xilka uga qaaday saraakiishan oo ah kuwii ugu caansanaa ciidamada Ahlusunna.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON