Xiisad siyasadeed ayaa ka taagan magaalad Jigjiga ee xarunta dowladda Somali State ee dalka Itoobiya, kadib markii la sheegay inay isku dhaceen dowladda Federaalka Itoobiya iyo maamulka madaxweyne Mustafe Cagjar.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in xiisadda siyaasadeed ay soo baxday markii uu dib u dhac ku yimid xisbiga talada haya ee Maamulka Soomaalida, kadibna muddo laba jeer ah looga yeeray magaalada Addis ababa, waxaana la sheegay in shirarkii Addis abba ay fashilmeen.
Madaxweynaha Somali State Mustafe Cagjar ayaa caqabad kasoo wajahday guddoomiyaha xisbiga Axmed Shiddo oo dhinaca kale ah wasiir ka tiran xukuumadda Itoobiya, wuxuuna salka ku hayaa xubno ka mid ahaa maamulkii Cabdi Iley oo uu xiray Mustafe Cagjar.
Maanta ayaa la filayaa inay shir yeeshaan Golaha wasiirrada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana muuqata in magaalada Jigjiga ay soo food saartay degganaansho la’aan siyaasadeed, markii Mustafe Muxumad Cumar uu ka baxay shirarkii A Addis Ababa ee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo Axmed Shide.
Khilaafka cusub ee soo kala dhex galay dowladda Federaalka ee Itoobiya iyo maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ee uu hoggaamiyo Mustafe Cagjar ayaa imaanaya iyadoo uu xilka madaxweynaha muddo shan bilood ah uu hayo Mustafe Cagjar.