Monday, June 23, 2025

Xildhibaan Abukaate: “Dowlada Soomaliya oo dhiirigalineysaa tahriibka dhalinyarada..”

Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Abukaate oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa ku eedeeay dowladda Soomaaliya ee xilligan jirta inay dhiirigelineyso tahriibka dhalinyarada.

Qoraal uu soo diray xildhibaanka ayuu sheegay in si aan hore loo arag dowladda Soomaaliya xilalkii dalka ugu magacaabeyso qurbejoogta oo kaliya oo heysta shaqooyin iyo dhaqaale. balse ay iska dhega tirtay dhalinyarradda dalka wax ku bartaay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAANKA

Sida aan bEryahan danbe la wada socono waxaa soo badanaya in Xukuumada iyo dhammaan Hay’adaha Dowlada oo Ay ku jiraaan Laamaha Amniga loo magacaabayo QURBAJOOG ka yimid amaba looga yeeray meel aad u dheer. Laga yaabee  inay heysteen shaqo ama dibjir ku ahaaa meelaha uu joogay si loogu magacaabo XILAL aad u waaweyn.. Badankoodna aysanba aqoon badan u laheyn. Ayadoo ay buuxaaan dad badan oo dalka wax ku bartay una sabray dalkooda hooyo duruufaha jirayna la soo qeybsaday dadkooda… kuwaasoo qaban kara jagooooyinka loogu yeerayo qurbajooge, taasoo keentay inay aad u niyad jabaaan.. haddana dowlada mar walba waxay ku dhiirigalisaa dhalinyarrada inaan la tahriibin. Talow dowladaan dhagaheeda iyo Afkeeda isma maqlaaan miyaa??. Haddii sidaaan xukuumada iyo laamaha kaleba kusii wdaaan waxaa suuroowdo inay dhacaaan waxaan noo wanaagsaneyn ee umadaan wadanka wax ku leh wax halaga siiyo. QUBA JOOGIHII SHALAY MADAXDA MAAANTA.. QURBAJOOGAHA MAAANTANA WAA MADAXDA BERRITO. Xildhibaan Maxamuud Abukaato

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON