Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaannada taageersan guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in farriin uga timid guddoomiyaha golaha shacabka prof. Jawaari.
Farriintasi ayuu sheegay in lagu baajiyey shirkii saaka lagu ballansanaa ee Baarlamaanka, iyadoo shirkaasi loo baajiyey codsi ka yimid dhanka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
“Waxaa muuqata in madaxweynuhu maqlay baaqyadii kala duwanaa ee loo diray iyo inuu dareemay khatarta halka dalku ku socdo, khilaafka jiraana uu saldhigan doono.. Waxaan rajaynaynaa in madaxweynuhu kaalin ka weyn shir la hakiyo uu cayaaro, si daacadnimo ahna arrintan u soo galo..” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo ka mida xildhibaannada sida weyn ugu kacsan madaxweynaha Soomaaliya.