Wasiirkii hore ee Howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya C/faatax Ibraahim Geesey, kana mida xildhibaannada Baarlamaanka federaalka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu diiday Dastuurkii lagu soo doortay iyo diintii islaamka.
Xildhibaan Geesey oo ka hadlay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in wixii denbi ah ee ka dhacay Baydhaba, dadkii la dilay iy kuwii la afduubtay uu mas’uuliyadeeda adduun iyo aakhiro uu qaadayo Farmaajo.
“Farmaajo dastuurkii lagu doortay waa diiday, diintiina waa diiday, waxaan u nimid sidii ay dadkan isu difaaci lahaayeen, go’aan aan ka wadno dowladda ma jirto… Dad nool ayaa la dilay, dad ayaa la afduubtay, dad ayaa la dhaawacay.. waxaas oo dhan Farmaajo ayaa adduun iyo aakhiro la weydiin..” ayuu yiri xildhibaan C/fataax Ibraahim Geesey.
DHAGEYSO