Monday, July 7, 2025

Xildhibaan C/raxmaan Odowaa: “Sida shacabka Baydhabo ula dhaqmeen Ciidanka amarka Farmaajo ku shaqeynaya..”

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Odowaa, wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay inay aamus soo dhaaftay tacadiyada ka dhacaya magaalada Baydhaba ee ay ka wadaan ciidamada ka amar qaata Madaxweyne Farmajo.

“Ruux damiir iyo dadnimo yar ay qalbigiisa ku harsan tahay kama aamusi karo sawirada ka imaanya Baydhabo ee dilka, xarigga iyo indhaduubka ah. Waxay inna soo xusuusinaysaa taariikh hore oo mugdi ah iyo maraxalado dalku ka soo gudbay…” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa oo ka mida xildhibaanada sida weyn uga horjeeda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Wuxu sheegay in  eedaha ka dhacay magaalada Baydhaba lagu dari doono eedaha Mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha, isagoo yiri: “Madaxweyne Farmaajo sida shacabka Soomaaliyee ee Baydhabo jooga ay maanta ula dhaqmeen ciidan amarkaada ku shaqaynaya, waxaa lagu dari doonaa eedaha ay xildhibinaada mooshinka kaa keenay kuu soo jeediyeen..”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON