Monday, June 23, 2025

Xildhibaan Caan ah oo sharci darro ku tilaamamay Go’aanadii kasoo baxay Golaha Amniga Qaran

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mida xildhibaannada caanka ah ee  Golaha Shacabka, horena u soo noqday Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanadii kasoo baxay Shirkii Golaha Amniga Qaran ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay sharci darro tahay go’aan kasta oo aan la marsiin Baarlamaanka Federaalka ee ay gaaraan adaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, wuxuuna caddeeyay in go’aan kasta si loo xalaaleeyo u baahan yahay in la soo marsiiyo labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

“Howlaha Golaah Amniga Qaran  waa howlo wadatashi siyaasadeed, wixii go’aamo ah ee ay gaaraan, iyadoo xeereysan waa in Baarlamaanka loo gudbiyaa, laakiin haddii la hareer maro  wuxuu keenayaa ugu dambeyn in Baarlamaanka iyo madasha isku dhacaan, waana arrin u baahan in laga digtoonaado” ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo wareysi siiyey Goobjoog News

Ad

ku taliyey in la yareeyo shirarka joogtada ee yeelanayaan madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo waqti badan uu ku lumayo. Xildhibaanno dhowr ah ayaa hore u tilmaamay in Golaha Amniga Ex. Madasha Qaran uu la wareegay awoodihii Baarlamaanka Federaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON