Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada ay cadaalada darro weyn ku sameeyaan beesha 5-aad.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Besha 5-aad lagu metelo degmooyinkii ay ku badnaayeen, iyadoo loo awood sheeganyo, wuxuuna intaas ku daray in in Dowladda Farmaajo ay xoojisay cadaalad darradii lagu hayey dadka loo awood sheegto ee degan gobalka Banaadir iyo labada Shabelle.
“Majirto wax aan qarinayo, cadaaladna kuma dhisna maamuladda ka jira dagmooyinka Afgooye, Xamar-Jajab, Boondheere, Cabdicasiis, Waabari iyo Shibis” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa oo caddeeyay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ahayd inay la tashato Xildhibaannada metala dadka ay maamullada u magacaabeyso.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa si gaara uga hadlay degaan-doorashadiisa magaalada Afgooye oo uu sheegay inay ka taagan tahay xaalad aad u adag. “Waxaa ka taagan dagmada Afgooye dhac, handadaad iyo isbaarooyin, dadka dhibkaas lagu hayana maamulka dagmada kuma lahan wax metalaad ah” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.
Isha: Kalfadhi