Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mida xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa u diday Siyaasiyiinta iyo xildhibaannada sida joogtada ah uga hadlaya arrimaha Shirikadda DP World ee la wareegtay Dekadda Berbera.
Xildhibaanka oo ka tirsan Guddiga Dekadaha iyo Gaadiidka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dooday in dadka ka hadlaya arrintan ay ku jirto degdeg, islamarkaana ay isbarbaryaac ku hayaan arrinta heshiiska Berbera, isagoo ugu baaqay inay ka gaabsadaan kana war sugaan Guddigooda.
Wuxuu soo jeediyay in aan Guddigooda lagu faragelin ka hadalkeeda iyo la-xisaabtanka Dowladda Imaaraadka Carabta. Isagoo ka digay in arrintan ay ka dhalan karto dhibaato iyo guuldarro siyaasadeed.
Xildhibaanka oo ka jawaabayay hadalkii madaxa DPWorld ayaa sheegay in hadalkaas uu yahay mid Imaaraadka ay ka arkeen dowladda Federaalka ah iyo dhaqankeeda siyaasadeed.