Thursday, June 26, 2025

Xildhibaan Fiqi: “Dawlad Goboleedyadu Waxey u ekaanayaan hoggaamiye kooxeedyo cusub…”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in maamul Goboleedyada dalka ay u ekanaayaan hoggaamiye kooxeedyado cusub haddii  aysan ixtiraamin Dastuurka dalka.

Xildhibaanka oo ka hadlayay xiisada ka taagan maamul goboleeyada la saftay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in maamulada ku andacoonaya garab siinta Qaran kale iyagoo ka hor imaanaya dowladooda ay tahay khalad weyn oo aan la qaadan karin.

HOOS KA AKHRI FARRIIN UU SOO DIRAY XILDHIBAANKA

Go’aanada qaran ee dawladdu qaadanayso waa in laga dheehan karaa, in danta qaranku ay saldhig u tahay qaadashadooda, dastuurka dalka ayaana kala xadeynaya awoodda dawladda dhexe iyo tan dawlad goboleedyada. Siyaasadda arimaha dibadda go’aanadeeda waxaa iska leh oo kaliya dawladda dhexe.

Dawlad goboleedyadu haddii aysan ixtiraamin dastuurka dalka waxey u ekaanayaan hogaamiyo kooxeedyo cusub kuwaasoo sharcigooda jeebka ku wata, waxeyna luminayaan sharciyaddii maamulkaas, Ayadoo deegaanka iyo dadka ay u talinayaana uu u ekaanayo mid u afduuban ayaga, meeshii dantooda ay ka arkaana u kaxeysta, taasoo liddi ku ah hadafkii laga lahaa dhismaha dawlad goboleedyada.

In ay dawladoodii uga hor yimaadaan, ayagoo ku andacoonaya garabsiinta qaran kale oo qalaad waa qalad weyn, mana ahan wax caqliga saliimka ah uu qaadan karo. Waxaan qabaa in la joogo waqtigii si sax ah looga hadli lahaa federaalnimada dalka isla markaana la diyaarin lahaa shuruucdii rasmiga aheyd ee lagu qotomin lahaa, haddii kale waxaa lagu jiri doonaa waalidaan taagan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON