Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaan Fiqi: “Inqilaabka hubaysan ee Xarunta Golaha Shacabka lagu qabsaday ma ahan mid sii socon kara..”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in weerarka iyo inqilaabka lagu qaaday xarunta Golaha Shacabka aanu ahay mid sii socon kara.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo diray ku caddeeyay inaan qabsashada xarunta Baarlamaanka lagu gaareynin ujeeddooyinka gurracan ee looga gol leeyahay, sida uu yiri, wuxuuna saadaaliyey inuu soo  dedejin doono in ciddii sharci-darrada ku dhaqaaqday sharcigu ciqaabo.

“Kacaanka 16 Maarso iyo inqilaabka hubaysan ee xarunta golaha shacabka lagula wareegay waxey muujinaysaa in madaxda dalku aysan naftooda iyo sharciga dalka aysan midna ku kalsoonayn, taas darteedna ay doorbideen in ay sharciyadda inqilaabaan ayadoo la joogo qarniga 21-aad iyo dal horey ugu soo hungoobay afganbi..” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi

Wuxu sheegay in Guddoomiyaha Golaha shacabka Prof. Jawaari uu jeediyey hadal taariikhi ah, isagoo DFaaha ka qaaday in heshiisyo qol mugdi ah hoostiis la yiri ku saxiix inuu diiday, taasna ay keentay in lagu soo duulo barlamaanka si guddoomiye macmal ah oo waxa xukuumaddu rabto oo kaliya ka dhex qabta golaha shacabka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON