Tuesday, July 8, 2025

Xildhibaan Fiqi oo Afka furtay: “Mooshinka Jawaari waa is-miidaamin wadareed siyaasadeed oo fashil ku dhammaaneysa..”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa si aan hore loo arag uga hadlay mooshinka laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Xildhibaanka ayaa sheegay in xukuumadda weerar ku soo qaaday barlamaanka (golaha shacabka), iyadoo  mooshinkii dhicisoobay ee laga keenay guddoomiye Jawaari ay saxiixeen qiyaastii 40 wasiir oo xildhibaanno ka ah golaha shacabka oo intooda badan aan khayaarkooda ku saxiixin, sida uu yiri.

Xildhibaan Fiqi ayaa xaaladda ka dhalatay Mooshinka Jawaari ku fasiray “ismiidaamin wadareedka kooxaha argagixisadu ay ku qaadaan xarumaha waaweyn ee dalka” wuxuuna sii raaciyey: “Waxay ku bilaabatya isqarxin toos ah, kadibna weerar kulul oo ay ugu danbeyn ku dhamaadaan dhammaan kooxihii weerarka soo qaaday, ayagoo horey u sii galaafta dad aan waxba galabsan..”

Xildhibaanka oo qaabka Alshabaab u howlgasho ku metelay dhaqanka xukuumadda Kheyre ayaa yiri: “Waxaa nasiib wanaag ah in la sii ogaaday xogta ku saabsan nooca baabuurka ay isticmaalayaan & taargadiisa, tirada kooxda weerarka gaysanaysa iyo amiirka hogaaminaya, balse sidii caadadu ahayd waxaa la adkeeyey ammaanka ayadoo la rajaynayo in uu fashil ku soo dhammaan doono ama la soo qab-qaban doono kooxdaas iyo amiirka ka hor weerarka inta aanay geysan, sharcigana la hor keeni doono..”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON