Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyey in xildhibaannada ka horeeda mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka ay galeen ballan ku saabsan badbaadinta Baarlamaanka.
“Xildhibaanada golaha shacabku aqlabiyadoodu waxey isku dhaarsaadeen in la badbaadiyo barlamaanka..” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo sii raaciyey inay ka hortagayaan weerarka sharci-darrada iyo awood sheegadka isugu jira ee uu sheegay inay xukuumaddu ku soo qaaday.
Wuxuu si jeesjees ah uga hadlay dadaalka xukuumadu u gashay inay ka takhalusto gudddoomiyaha Jawaari iyo fursadda u harsan, isagoo yiri: ” “Dhammaan isku dayadii iyo dadaaladii daba socday ee aan kala harka lahayn waa soo shiiqeen, waxaa dhiman oo qura shirka khamiislaha ah ama shir aan caadi ahayn oo golaha wasiiradu yeeshaan in lagu soo magacaabo guddoomiyaha golaha shacabka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, madaxweynuhuna dikereeto ku soo saaro”