Friday, July 11, 2025

Xildhibaan Fiqi oo weerar ku qaaday Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya [Akhriso]

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa weerar ku qaadaya Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya iyo sharciga saxaafadda ee ay ku soo celisay Baarlamaanka.

Xildhibaanka oo ka mid ahaa xunmo ka dooday Sharciga Saxaafadda ee xukuumaddu ku soo celisay Baarlamaanka ayaa sheegay in dunida ay xilligan ka maarantay Wasaarad Warfaafin, wuxuuna shacriga ay Baarlamaanka hor keentay ee saxaafadda ku sheegay mid la mida sida inay dalka maamuleyso dowlad milateri ah.

“Dunida xilligan aan joogno dowladaha dimoqraadiga ee casriga ma laga Wasaarad warfaafineed, waxaa loo baahan yahay saxaafad xor ah, xitaa Telefishin dowladeed waa la iska dhaafay, mana jiro” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo hadalkaas ku halgaaday Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yariisow oo xilka uu hayo uu ka dhigay mid aan wax macne ah lahayn.

Sharciga saxaafadda ayuu sheegay inuu la mid yahay sharcigii xilliga milateriga dalka lagu maamulayay. “Kulligiis waa mid wax mamnuucayo, ruqsad la diidayo, shati lala noqonayo iyo ciqaab meelaha qaarkood aan la xusin, Wasaaradii warfaafinta awoodii dhan ayay qaadatay, guddiga saxaafada awood weyn ma lahan.. ” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo ay ka hoos baxday in Sharciga uu yahay mid ay Baarlamaankii 9aad hore u ansixiyeen oo qodobo aad u kooban wax laba bedelay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON