Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aya sheegtay in magaalada Muqdisho afar qeybood loo kala qeybiyey, meel kastana ay xiran tahay, iyadoo qaraxyaduna socdaan.
Iyadoo ka hadleysay fadhiga xildhibaanada ee maanta ayey sheegtay in dhibaatadda meel waliba gaartay iyaduna ay indhaheeda saartay haweeney Wado dhexdeeda ku umuleysa oo ilmihii kasoo jeedaan maalintii 11-ka April ee wadooyinka loo xiray dabaaldega aasaaska ciidamada xoogga dalka.
Xildhibaan Fowsiya ayaa sheegtay in si dhab ah loola xisaabtamo mas’uuliyiinta qaabilsan Amniga ee Berri hor imaanaya Baarlamaanka, haddii lagu qanciywaayena si kale loola xisaabtamo sida ay tiri, waxayna Baarlamaanka ugu baaqay inuu mas’uuliuyadiisa qaato.
HOOS KA DAAWO