Wednesday, August 27, 2025

Xildhibaan hore kursigiisa loo laalay oo dib loogu doortay Magaalada Garowe

Kursi ka mida kuraasta dib loo celiyay ee shan-ta ah ayaa maanta dib loogu doortay magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Ergada beesha Ugaar saleebaan ee degta Puntland ayaa dib u dooratay Xildhibaankii hore loo laalay doorashadiisa, kadib doorasho ka dhacday xarunta jaamacadd PSU ee magaalada Garowe.

Wararka laga heleyo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Cabdi Maxamuud Cumar uu mar kale ku soo baxay Xildhibaan, isagoo helay 45 cod, halka Xildhibaankii la tartamayay uu helay 6 cod.

Madasha Qaran ayaa 5 Xildhibaan ka dhigtay xildhibaanada dib loo dooranayo iyadoo 4 xildhibaan ka qaadatay 11-kii xubnood ee ay laaleen Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON