Monday, June 23, 2025

Xildhibaan hore oo maanta toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhoweyd toogasho lagu dilay xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaankii dowladii KMG ahayd.

Dabley hubeysan toogasho ku khaarijisay C/qadir Qaasim Mursal oo hore uga tirsanaa baarlamaankii Carte , isla markaana hadda la sheegay inuu  ka mid ahaa shaqaalaha howlgala xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Prod. Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari).

Dilkan ayaa k dhacay Xaafadda Ceeldheere ee degmada Dharkeynleey, waxayna dableyda dilka geysatay ka baxsadeen goobta.

Ciidamo ka tirsan maamulka degmada ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, waxaana falkan uu ka mid yahay falal dil ah oo si xowli ah uga socda magaalada Muqdisho kadib doorashadii madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON