Sunday, July 13, 2025

Xildhibaan Jeesow: “Sidee deganaasho siyaasadeed loo helaa, haddii Wasiir ku xigeen mushaar u qaato $7200”

Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dood ka keenay mushaarka ay qaataan wasiirada xildhibnaannada ah ee ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaan Jeesow ayaa xasilooni darrada siyaasadda ee dalka ka jirta sabab uga dhigay in inta badan Xildhibaanada Golaha Shacabka ay doonayaan inay Wasiir ama Wasiir ku xigeen noqdaan si ay u helaan mushaarka fara badan ee ay qaataan..

“Wzasiir ku xigeen xildhibaan ah ayaa qaata 7200 kun oo dollar waan wada ogsoonahay.., wasiirkuna waa kasii badan yahay, oo waxaa u dheer dhaqaalaha wasaaraha.. wax kastaa u dheer..nin wasiir ku xigeen ah oo 7000 Doolar accounkiisa ugu soo dhaceyso iyo xildhibaan waayey wax uu ku tago degaan doorashadiisa… maxay tahay xasiloonida siyaasadeed ee laga sugayo.. xildhibaan kasta wasiir ayuu raadinayaa..?” ayuu is weydiiyey.

Mushaaraadka aya qaataan xildhibaannada ka tirsan xukuumadda ayaa marar badan laag dooday iyadoo la dalbaday in dib loo eego, taasoo aan weli waxba laga qaban.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON