Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigiisu dhammaaday ayaa geeriyooday iyado ay tacsu u direen madaxda dowladda.
Xildhibaan Faadumo Nuur Maxamed ayaa saaka ku geeriyootay isbitaal ku yaala dalka India oo caafimaad ahaan loo geeyay, kadib xanuun muddo hayay.
Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxmed Sheekh Cusmaan Aaden (Jawaari) ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Allaha u naxariistee Faadumo Nuur Maxamed.
Waxaa sidoo kale geerida Xildhibaanadda ka tacsiyeeyay qaar ka mida mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo Alle ugu baryay inuu Jannadii fardowso ka waraabiyo,Qaranka iyo Ummadda Soomaaliyeedna uu Samir ka Siiyo.
Goobjooge.com