Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dadweynaha magaalada Muqdisho ugu baaqay kacdoon iyo bannaanbaxyo ay uga horjeedaan wadooyinka xiran.
Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abuukaato) oo ka mida xildhibaannada ku kacsan xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay inay banaanbax isugu soo baxaan magaalada Muqdisho si ay u muujiyaan inay ka horjeedaan Waddooyinka xiran.
Isagoo la hadlayay mid ka mida idaacadaha Muqdisho ayuu sheegay xildhibaanka in dowladda uu hoggaaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay shacabka uga baxday ballantii ay ka qaadday ee ahayd in aan waddooyinka laga xiri doonin.
Xildhibaan Abukaato ayaa cambaareeyay qorshaha sugidda amniga Muqdisho, isagoo ku doodaya in waddooyinka oo la xir xiro aysan ku imaan karin sugidda ammaanka Muqdisho.