Wednesday, July 9, 2025

Xildhibaan ka tirsan Golaha Degaanka Gaalkacyo oo toogasho lagu dilay

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay  caawa ku dileen xaafada Garsoor ee magaladaasi  Siciid Xayle oo ka tirsanaa Golaha degaanka Gaalkacyo.

Dilka Xildhibaankan degaanka ayaa waxaa geystay dabley aan la garan heybtooda, waxaana dilkiisa kadib goobt tegay  ciidanka ammaanka Puntland ee magaalada Gaalkacayo oo baaritaano aan cidna lagu soo qaban sameeyay.

Falalka dilalka qorsheysan ayaa si weyn ugu kordhay magaalada Gaalkacyo qeybta ah Puntland ka taliso, wuxuuna dilkani noqonayaa kii saddexaad oo bishan Ramadaanka kaliya  lagu dilo magalada Gaalkacyo.

Waxaa isla Gaalkacyo lagu dilay gudoomiyihii ururka haweenka Gobalka Mudug iyo wakiilkii wasaradda Qorsheynta ee Gobalka Mudug.

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON