Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa sheegay in xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland uu ku geeriyooday shil Baabuur oo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso.
Xildhibaanka geeriyooday ayaa lagu magacaabaa Maxamed Faarax Mire oo laga soo doorto gobolka Bari, waxaana shilku ka dhacay inta u dhexaysa magaalada Boosaaso iyo degmada Waaciye ee gobolka Bari.
Wararka ayaa sheegaya in Gaariga xildhibaanku la socday uu dul maray gaari xamuul ah oo u socday dhinaca magaalada Boosaaso, wuxuuna Maxamad Faarax Mire kamid ahaa xildhibaanada cusub ee Barlamanka Puntland ka soo galay gobalka Bari.
Waxaa kaloo shilka gaari ku dhintay Maxamud Sahal oo la socday, waxayna labadaba ahaayeen laba shakhsi oo si weyn looga yaqaan Gobolka Bari.