Mid ka mida xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa markii ugu horeysay si toos ah uga hadlay mooshinka saxiixiisa ka socda magaalada Muqdisho, kaasoo ku saabsan xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xildhibaan C/llaahi Maxamed Aadan (Shaacir) ayaa sheegay in mooshinka ujeedkiisu ahaa in dowladda lagu dumiyo markii uu ogaaday danta laga leeyahayna inay ahayd in lagu burburiyo dowladda dalkana lagu geliyo khalasaase siyaasadeed.
Xildhibaan Shaacir ayaa sheegay in inuu ka eegay danta umadda, wuxuuna ugu baaqay saaxiibadiis xildhibaannada mooshinka saxiixay inay dib uga laabtaan, isagoo sheegay in dalka uusan maanta u baahneyn mooshin, iyadoo dowladda ay sanad ka yar jirto.
Mooshinka madaxweyne Farmaajo ka dhanka ah oo ay olole weyn ugu jiraan siyaasiyiin iyo xildhibaanno u badan dowladii hore ayaa dadaal weyn ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen kooram, taasoo culeys weyn ku noqotay.