Xildhibaankii labaad oo shaaciyey inuu ka baxay Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud

Xildhibaankii labaad ayaa shaaciyey inuu ka baxay Xisbiga  uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD).

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris (Ganey) ayaa qoraal uu baraha bulshada soo dhigay ku sheegay inuu ka baxay Xisbiga UPD, ugana baxay arrimo isaga u gaar ah oo aanu sheegin, wuxuuna xildhibaankan oo ah mid da’ yar uu muddo kooban ka mid ahaa xisbiga.

Ad

“Sida uu qabo qodobka 22-aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah waxaan Maanta oo ay taariikhdu tahay 21-ka Janaayo 2019, halkaan ka cadeeynayaa inaan Kabaxay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee UPD.. Xisbigaan waxaan galey anigoo Xor ah oo aan qasbanayn, hadana waxaan ka baxayaa anigoo Xor ah…” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris.

Xisbiga Xasan Sheekh ee UPD waxaa hore uga baxay xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur, waxaana soo baxay warar sheegaya inay xildhibaannadan ku biirayaan xisbiga kale ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

128,042FansLike
1,151FollowersFollow
3,347FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!