Sunday, July 13, 2025

Xildhibaan Maareeye oo kashifay dagaal adag oo dhex maray Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed (Daawo)

Wasiirkii hore ee Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shaaciyey dagaal adag oo isaga iyo Mahdi Maxamed Guuleed ku dhex maray xilka Ra’iisal wasaare ku xigeenka.

“Anigu xil wasiir ma raadin.. waxaan raadiyey xil Ra’iisal wasaare ku xigeenka. Markii dowladii Xasan Kheyre la riday waxaan aaminay inuu kursiga Ra’iisal wasaare ku xigeenku bannaan yahay, waan raadiyey laakiin kala maanka nagu adhacay aniga iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenku wuxuu aaminsanaa inuu isagu weli ku kursiga ku fadhiyo.. dagaal adag baa meeshaasi nagu dhex maray.. Mudane Ra’iisal Wasaare haddii aad ku guuleystay waan kugu hambalyeynayaa, waana kugula shaqenayaa…” ayuu yiri Xildhibaan Maareeye oo khudbad ka jeediyey xafladii uu xilka ku wareejyay.

Wasiirkii hore ee Warfaafina wuxuu bogaadiyey xukuumadii Xasan Cali Kheyre isagoo yiri: “Xukuumadii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre waxaan ku faraxsanahay inay ahayd dowlad isbedel ah oo wejiga dalka qurxisay oo wax bedeshay. intii anigu soo joogay waxay ahayd xukuumadii muuqaalka badneyd, uguna isbedelka badneyd waxay dooneyso inay fuliso ugu xoogga badneyd waana ku amaanayaa Xasan Cali Kheyre iyo…”

Maxay isku seegeen Wasiir Maareeye iyo Madaxweyne Farmaajo..? (Qaabkii looga reebay Golaha Wasiirada)

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON