Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in xisaab- xirka Miisaaniyadda 2017 ee maanta uu ansixiyey Baarlamaanka ay ku jirtay lacag ku dhow 38 Milyan oo Doolar oo aan la ogeyn meel ay ku baxday, kuna maqan xukuumadda Soomaaliya.
“33, 700, 000 kun dollar (Soddob iyo saddex Miyan, todoba Boqol kun Doolar) oo si sharci daro ah xukuumadu u isticmaashay ayaa maanta lagu ansixiyay xisaab xirkii 2017… Lacagtaas waxay ka kala timid wadamada Sacuudiga 30 milyan, Turkiga 2 milyan iyo Imaaraadka 1.7 milyan. Lacagtaas kuma jirin miisaaniyadii 2017 barlamaanku ansixiyay. Xukuumadu sooma sheegin in lacagtaas soo gashay. Markii lagu arkay xisaab xirkii ay soo gudbiyeen 2017 waa sheegi waayeen sababta iyo sida loo isticmaalay…” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa xildhibaannadii diiday ansixinta xisaabxirka Miisaaniyadda 2017.
Dowladda Federaalka ee hadda jirta ayaa ku dooda inay la dagaalantay musuqa, isla markaana ay koror weyn ku sameysay dakhliga gudaha, laakiin waxay ku fashilantay inay xisaabxir ku sameyso miisaaniyadda sanad kasta inta aan loo ansixin miisaaniyadda sanadka kale, waxaana muuqata in xisaabxirka xukuumadda aan laga qancin xildhibaannada.